Lix bilood ayaan isku dayay inaan noqdo ‘qof aad u nidaamsan’ – laakiin waxaan ogaaday run aanan filayn

A cinematic, high-quality historical illustration of a 7th-century Arabian army's encampment in a vast desert valley during sunrise

Maqaalkan oo uu qoray Lachlan Brown, wuxuu ka hadlayaa khibrad qofeed oo aad u qoto dheer oo ku saabsan nolosha, asluubta, iyo wax-soo-saarka. Qoraagu wuxuu si daacad ah u qirayaa inuu lix bilood ku jiray loolan uu rabo inuu naftiisa ku beddelo, balse aakhirkii uu ogaaday inuu naftiisa ka cararayay.

Halkan kaga bogo nuxurka maqaalka oo loo kala dhigdhigay qodobbo muhiim ah:

1. Dabinka "Hagaajinta Nafta" (The Productivity Trap)

Qoraagu wuxuu sheegay inuu lix bilood isticmaalayay barnaamij kasta oo lagu kordhiyo wax-soo-saarka (productivity apps). Wuxuu kici jiray 5-ta subaxnimo, isagoo raacaya jadwal aad u adag oo ay ku jiraan jimicsi, meditation, iyo shaqo la qorsheeyay. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ogaaday in hab-dhismeedkaas adag uu u isticmaalayay sidii gaashaan uu kaga dhuunto cabsida iyo welwelka uu dhab ahaan dareemayay.

2. Perfectionism: Xabsi qurxoon

Wuxuu aaminsanaa in "kaamilnimadu" (perfectionism) ay tahay sifo wanaagsan oo guul gaarsiisay. Laakiin, lixdaas bilood waxay u beddeshay xabsi uu isagu isku xiray. Haddii uu hal maalin ka dib dhaco jadwalkiisa, wuxuu dareemi jiray guuldaro weyn. Wuxuu nolosha u beddelay sidii "warbixin shaqo" (performance review), isagoo iska indhatiray inuu bini-aadam yahay.

3. "Beginner’s Mind" iyo Falsafadda Buddhist-ka

Qoraagu wuxuu soo xigtay fikrad ka timid diinta Buddhist-ka oo la yiraahdo "Beginner’s Mind" (maskaxda qofka bilowga ah), taas oo ah in nolosha loo wajaho si furan oo aan horey looga sii garanayn waxa dhacaya. Wuxuu xaqiiqsaday inuu isagu naftiisa ula dhaqmayay sidii kombiyuutar la rabo in la "optimize" gareeyo, wuxuu isku dayayay inuu naftiisa u maamulo sidii mashiin. Wuxuu rabaa inuu tirtiro khaladaadka, kordhiyo xawaaraha uu ku shaqaynayo, oo uu daqiiqad walba ka saaro wax aan faa'iido soo saarayn. halkii uu ula dhaqmi lahaa qof bini-aadam ah oo dareen leh.

4. Barashada "Fadhiisadka Cidlada ah" (Sitting with Discomfort)

Waxa ugu weyn ee uu bartay ayaa ah inuu iska daayo barnaamijyada hagaya issaga ama qorshayaasha adag, uuna barto inuu iska fariisto isaga iyo fikirradiisa oo kaliya. Markii uu sidaas sameeyay, waxaa soo baxay dhamaan dareenadii uu ka cararayay sida:

  • Cabsida ah inuusan ku filnayn (waa markaad dareento in wax kasta oo aad qabato aysan weli dhammaystirnayn.)
  • Welwelka ku saabsan in dadku ogaadaan inuusan wax walba gacanta ku hayn.
  • Dhibaatada ka dhalata diidmada xaqiiqada (Waa marka ay wax kugu dhacaan (sida khaladaad, daal, ama daciifnimo) ka dibna aad gudahaaga ka tiraahdo: "Maya, tani waa inayna dhicin! Waa inaan noqdaa qof kaamil ah!)

5. Aqbalaadda "Inay Taasiba Ku Filan Tahay"

Hadda, qoraagu wali wuu shaqeeyaa, wuu akhriyaa, wuuna sii socdaa, laakiin ma rabo inuu ka gudbo bini-aadamnimadiisa. Wuxuu aqbalay in "Good Enough" (inay intaasiba kugu filan tahay) ay tahay xornimo. Taas macnaheedu maaha inuu noqdo qof liita (mediocre), laakiin waa inuu aqbalo inuu yahay qof qaldami kara, aan mar walba wax-soo-saar lahayn, haddana wali qiimo leh.

Gunaanadkii:

Farriinta uu qoraagu rabo inuu ina gaarsiiyo waa mid qoto dheer:

  • Jooji is-cadaadiska: Mararka qaarkood, camalka ugu geesinnimada badan ee aad samayn karto ma aha inaad is-hagaajiso ama aad iska dhigdhigto qof "kaamil" ah oo aan qaldamin.
  • Ahaw qofka aad tahay (Just Being): Waxaa ka muhiimsan inaad si dhab ah u "jirto," adigoo aqbalaya noloshaada xilligan la joogo adiga oo aan isku mashquulin in la is-optimize gareeyo – yacnii In nafta laga raadiyo kaamilnimo xad-dhaaf ah- Eebe ayaa kaamil ehee.
  • Aqbal qabyadaada: Baro inaad nabad kula noolaato naftaada xitaa marka ay wax kasta "messy" yihiin, qabyo yihiin, ama aadan lahayn wax-soo-saar sareeya.
  • Xornimada dhabta ah: Inaad aqbasho inaad tahay bini-aadam, leh meelo uu ka liito iyo meelo uu ka xooggan yahay waa xornimada dhabta ah ee laga rabo qofka, halkii uu naftiisa ula dhaqmi lahaa sidii mashiin oo kale.

XIGASHO

Back to Articles