Fikirku waa awood maskaxeed – Thinking is a cognitive function.
Waa habka maskaxdaadu u
shaqayso markaad go'aan gaareyso, xallinayso dhibaato, sameyneyso qorshe, ama xitaa ku riyoonayso
wax cusub. Waa shaqada ugu muhiimsan ee maskaxda bani'aadamka ay qabato.
Fikir hal-abuur leh wuxuu ku tiirsan yahay dhowr arrimood:
1. Xusuustaada (Memory)
Xusuusta waa awoodda aad wax u kaydsato – sida:
- Waxaad baratay,
- Waxaad aragtay,
- Waxaad la kulantay.
Tusaale: Haddii aad rabto inaad xaliso dhibaato cusub, waxaad dib u xasuusan kartaa xal aad horay u aragtay ama la tijaabiyay oo aad baratay. Xusuusta wanaagsani waxay kuu sahlaysaa inaad u fikirto si qoto dheer oo wax tar leh.
2. Waayo-aragnimadaada (Experience)
Waayo-aragnimadu waa waxa aad noloshaada ka baratay iyadoo waxa aad samaysay ama la kulantay ay isugu jiraan.
Tusaale: Qof noloshiisa inta badan la shaqeeyay dad, wuxuu si wanaagsan u fahmi karaa dhibaatooyinka dadka kale. Fikirkaaga wuu fiicnaanayaa marka aad waayo-aragnimo ballaaran leedahay.
3. Shakhsiyaddaada (Personality)
Shakhsiyadda waa:
- Sida aad u fikirto,
- Sida aad dadka ula dhaqanto,
- Sida aad dhibaatooyinka u wajahdo.
Tusaale: Qof deggan oo dulqaad badan wuxuu u fikirayaa si ka duwan qof deg-deg badan ama xanaaqi ah. Shakhsiyaddaadu waxay saamayn ku yeelanaysaa sida aad fikradda u qaabayso.
4. Xasaasiyadda & Dareenka gudaha (Gut Feelings)
Waxaa loola jeedaa: Dareen gudaha ah oo kuu sheegaya wax aan muuqan – xilli aanad haynin xog dhamaystiran, haddana maskaxdaada hoose wax bay dareemeysaa.
Tusaale: Mararka qaar waxaad leedahay "Waxbaa ii sheegaya in tani aysan sax ahayn" – inkastoo aadan haynin caddeyn buuxda. Gut feeling wuxuu noqon karaa qayb muhiim ah oo ka mid ah fikirka hal-abuurka leh.
Gunaanad
Markaad wax ka fikirayso oo xal keenayso, maskaxdaadu waxay isku darsataa:
- Xogtaad xasuusato,
- Waayo-aragnimadaada,
- Shakhsiyaddaada ku gaarka ah,
- Dareenka gudaha (gut feeling),
Si ay kuu siiso: Fikir cusub, xal macquul ah, ama go'aan fiican.
Haddaba, si aad u yeelato fikir xooggan oo maskaxeed, ku dadaal inaad:
- Xog badan baratid (kor u qaad xusuustaada),
- La kulanto waayo-aragnimooyin kala duwan,
- Naftaada barato (self-awareness),
- Kalsooni ku yeelato dareenkaaga gudaha (intuition).