Ku saabsan REYS AQOON

بسم الله الرحمن الرحيم

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud Naxariista Tu gaarana naxariista.

Bilowga

REYS AQOON waa website aqooneed aan aasaasay sanadkii 2025, si aan ugu wadaago maqaallo muhiim ah oo ku dhisan cilmi-baaris iyo falanqeyn.

Fikraddan waxaan ka bilaabay rabitaanka in aan abuuro meel lagu kaydiyo aqoon laguna faafiyo macluumaad dadka ka caawin kara inay horumar ka sameeyaan, xattaa haba yaraatee noloshooda shakhsi iyo xirfadeedba, Insha’Allah.

Ujeeddada

Ujeeddadayda ugu weyn waa in aan soo bandhigo maqaallo macno leh oo faa’iido u leh qof kasta oo raba inuu kobciyo fahamkiisa,iyo aragtidiisa ku saabsan nolosha.

Waxaan aaminsanahay in aqoontu tahay furaha isbeddelka, midnimada iyo fursadaha cusub ee bulshada. Sidaas darteed, waxaan xooga saarayaa in macluumaadka aan soo bandhigo uu noqdo mid la isku halayn karo, qoto dheer, isla markaana si fudud loo fahmi karo, Alle idamkii.

Yaan ahay?

Anigu waxaan ahay Maxamed, qof xiiseeya waxbarashada, hal-abuurka, iyo faafinta aqoonta. REYS AQOON waxaan u dhisay si aan u wadaago fikradaha, waayo-aragnimada, iyo aqoonta aan ka bartay noloshayda, ama aan ka baranaya.

Waxaan rajaynayaa in boggan uu noqdo meel aad ka hesho aqoon la isku halayn karo, faham qoto dheer, iyo dhiirigelin kugu hoggaamisa inaad horumar ka gaarto noloshaada shakhsi iyo xirfadeed. Ujeeddadaydu waa in REYS AQOON uu noqdo saaxiibkaaga aqooneed ee mar walba kula jiro safarka barashada iyo koboca, Alle idamkii

Mahadnaq

Waxaan u mahadcelinayaa Ilaahay subxaanahu watacaalaa, kaas oo i siiyay fursad, fikrad iyo awood aan ku hirgeliyo mashruucan.


Haddii aad u baahan tahay
waad ila soo xiriiri kartaa

WhatsApp

Iigu soo dir fariin WhatsApp

Taabo halkan