Weedhahan ka soo baxay qalbiga waxaan ugu talagalay cidda ay ummaddu u diyaarinayso mustaqbalkeeda. Waxaad xaq noogu leedihiin in aannu idinla wadaagno qaybo ka mid ah khibraddayada iyo waayo-aragnimadayada; idinka ayaana leh dookha iyo doorashadaba.
Hoos waxaa ku qoran dardaaran iyo tilmaamo ku saleysan waayo-aragnimo, diiradna saaraya horumarinta naftiinna iyo bulshada guud ahaan:
Tilmaamaha Muhiimka ah
- Qofna ha canaanan: Caawimada ha ka sugin cid aan Eebbe ahayn. Danahaaga ku foof; wixii ku anfacaya ka wada baro dadka.
- Guuldarradu ma aha dhammaad: Guuldarradu maaha in aanad xaqiijin natiijo aad u fiican; balse waa quusta, hanjabka iyo joojinta isku dayga. Maaddaama aad wax raadinayso oo iskuna deyayso tijaabinta, waad guulaystay — jidkii qummanaana waad haysaa.
- Shaqo iyo dadaal nidaamsan: Ma jiro jid fudud oo lagu gaadho sharafta iyo sarraynta. Su'aalo adag looma helayo jawaabo fudud, mana jiro shay kaaga filnaan kara shaqada; sidaa awgeed waa waajib in qof walbaa naftiisa ku tababbaro bixinta dedaal nidaamsan.
- Ka shaqee aqoonta: Si aad u hesho shaqo sharaf leh oo aan u baahnayn awood jidheed oo badan, naftaada ku daal jidka aqoonta iyo khibradda ugu sarreeya.
- Maalgashi waqtigaaga: Dedaal waqtigaaga dhalinyarnimada si aad u raaxaysato waayeelnimadaada.
- Qoyska iyo waalidiinta: Qoysku waa godka ammaanka, labadaada waalidna waa tiirkiisa. Intii awooddaa ah, la ogow u samafal iyo u adeegid si aad u hanato raalli ahaanshahooda.
- Mabda'aada ilaali: Haka gorgortamin mabaadi'daada iyo karaamadaada; waayo haddii arrimuhu jiq kugu noqdaan, Alle ayaa keeni doona fudayd.
- Ha ku celcelin khaladaadkii hore: Ha u fikirina sidii aannu u fikiri jirnay; sababta oo ah waxaad tihiin jiil naga duwan — hana ku celcelinina gefafkii aan soo galnay.
- Qiyamka wadaagga ah: Labadeenan fac waxa ina mideeyaa qiyamka waaweyn: iimaanka, ku toosnaanta amarka Alle, runta, ammaanada, naxariista, dedaalka, adkaysiga iyo dhaqan wanaagga; laakiin ma aha muuqaallada guud.
- Kalsooni iyo ka fogaanshaha anaanka: Anaaniyadda iyo danaysiga shakhsiga ahi waa xanuunnada ugu halista badan casrigan; kaga gaashaanta ka shaqaynta danta guud, khayrka iyo wixii dadka anfacaya. Dhaqan wanaag iyo dardaaran si fiican loo dhaqmo ayaa idin dhaxalsiin doona isbeddel muuqda noloshiina.
Ilaahay (SWT) ayaan idiin wayddiinayaa kaalmo, waafajin iyo guul joogto
ah.
Prof. Bakaar
W/T: Cabdixakiin Obsiiye