Taariikhda iyo Shakhsiyadda Abuu-bakar Asiddiiq

A hyper-realistic 3D conceptual masterpiece. A sleek, translucent glass-textured human profile silhouette.
  • Waa kuma Shakhsigii ugu horeeyay oo ka baxsan qoyska Nabiga(NNKH) oo islaamay.
  • Waa kuma saxaabiga Shaki la'aan islaamay?

Abtirsiimadii iyo Dhalashadisa

Abuu-bakar magacisu waa C/llaahi Bin Abii Quxaafa aabbahiisa Abii Quxaafa magaciisu waxa uu ahaa Cusmaan binu Caamir. Hooyadis waxaa la oran jiray Salmaa Bintu Sakhar bin Caamir, waxaana naanaysteedu aheyd Ummul Kheyr.

Abuu-bakar waxa uu ku dhashay magaalada Maka, sannadkii 573 Nabi Ciise NNKH kaddib, oo ku beegan laba sano iyo bar kaddib dhacdadii Maroodiga. Waxaa markii hore uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulka NNKH ayaa ka baddelay, oo u bixiyey Cabdullaahi. Sababta loogu magacaaba Asiddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runlow ahaa. nin ganacsade ah, oo maalqabeennadii Qureysheed ka mid ah. Wuxuu si fiican u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda.

Islaamiddiisii

Markil la soo diray Rasuulka NNKH qofkii ugu horreeyay ee uu usoo bandhigay dacwada wuxuu ahaa Abuu-bakar Asiddiiq Abuu-bakar si deg deg ah ayuu u islaamay.

Laga billaabo maalintii uu islaamay, Abuu-bakar Asiddiq, wixii hanti lahaa oo dhan waxa uu ku gargaaray Islaamka, isagoo addoomada ku xoreynayey. masaakiintana ku quudinayey.

Xaasaskiisii iyo Carruurtiisii

Abuu-bakar Sidiiq waxa uu guursaday 4 dumar, labo ka mid ah, waxa uu guursaday Islaamka ka hor, labada kalena Islaamka kaddib, waxayna u dhaleen saddex wiil iyo saddex gabdhood, dhammaantooduna way u koreen

Noloshiisii Madiina

Markii ay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii awoodi kartay ka haajireen magaaladii Maka, oo loo wada kicitimay dhanka Madiina, Abuu-bakar waxa uu ka mid ahaa safarkisii hijrada kula raacay (weheshaday) Rasuulka NNKH, oo wuxuuba la galay godkii Qaaru Thowr oo ay saddex beri ku jireen, isaga iyo Rasuulka NNKH Markii ay gaareen Madiina, Ansaar iyo Muhaajirinna uu walaaleynayey Abuubakar wuxuu la walaaleeyey Khaarijah bin Zeyd.

Qaar ka mid ah Dagaalladi uu ka qaybgaley

Abuu-bakar waxa uu Rasuulka (NNKH) kala qeyb galay dagaalkii Bader, Uxud, Xuneyn, Kheybar, kii dhufaysyada, qabsashadii Maka, go'doominti Daa' if, iyo dagaalki Tabuuk.

Qaar Ka mid ah wanaagga Abuu-bakar Asiddiiq

Rasuulku (NNKH) wuxuu yiri haddii iimaanka Abuu-bakar miisaan la saaro, oo misana iimaanka ummaddayda miisaan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu-bakar

Tani waxa ay ku tuseysaa heerka iimaanka Abuubakar, iyo in uu ahaa mid aad u sarreeya oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karta ee ummadda Nabiga ka mid ah, Abuu-bakar wuxuu ka mid ahaa, tobankii saxaabi, oo iyagoo nool jannada loogu bishaareeyay.

Doorashadii Abuu-bakar (11 Hijriya - 13 Hijriya)

Markii uu geeriyooday Rasuulka (NNKH), Waxaa billowday wada tashiyo ku aaddan sidii loo dooran lahaa qofkii muslimiinta maamuli lahaa geerida Rasuulka (NNKH) kaddib. Waxaa isugu yimid saxaabada kuwoodii ugu qiimaha badnaa, si looga arrinsado qofkii madax u noqon lahaa muslimiinta, Wada tashiyo badan kaddib, waxaa la isku raacay in xilka loo dhiibo Abuu-bakar, sidaasi ayaana loo doortay.

Back to Articles