Farqiga u Dhaxeeya Aamiin iyo Aammiin

sawir muujinaya labada farqi u dhaxeeyaa, Aamiin iyo Aammiin

Marar badan ayaan maqlay qof ama dad dhahaya Aammiinhaddii aadan ka mid ahayn - Alxamdulillaah — laakiin haddaad dhihi jirtay ogow tani, haddaad ogtahayna qof sidaa dhahaya u sheeg fadlan.
Marka la dhammeeyo duco ama la akhriyo Suuratul-Faatixah, inta badan waxay dhahaan Aamiinlaakiin waxaa jira khalad inta badan lagu dhaco. Bal aynu si cad u kala saarno.

Hababka Saxda ah

Waxaa jira laba hab oo sax ah oo lagu oran karo Aamiin waa:

  • Aamiin
  • Amiin

Labadaasi waa sax waxaana laga wadaa: "Ilaahayow naga aqbal."

Habka Khaldan waa:

Aammiin Khaladka inta badan dhaca waa in la yiraahdo Aammiin iyadoo la laba-jibbaarayo xarafka Miim ama la shadayo. Tani waa qalad.

Sababta? Erayga Aammiin waxa uu leeyahay macne kale oo aan la xiriirin ducada, aayaddan ma soo martay oo ma akhrisay, Suuradda Al-Maa'idah, Aayadda 2-aad:

{ وَلَا آمِّينَ ٱلۡبَیۡتَ ٱلۡحَرَامَ }
"Kuwa u socda Baytka Xurmaysan" (Al-Maa'idah: 2)

Eeg, waa la shaday oo aayaddan waxay leedahay "Aammiin" macnaheedu waa: "Kuwa u socda ama u qasday meel gaar ah." oo waxay noqotay micno gaar ah.

⚠ Maxaa laga fahmayaa?

Qoraalka ama dhawaaqa khaldan wuxuu keeni karaa macne kale oo aan habboonayn, oo waa annagoo leh "kuwa u qasda meel gaar ah!"

  • "Aamiin" waa ducada tan lagu daro, si Alle aan u weydiisano in uu ajiibo ducadeena.
  • "Aammiin" ayyadana waa macne kale oo ah dad safar ku jira.

Haddaba, akhriste

Waa muhiim in ducada la dhowro, lana fahmo kala duwanaanshiyahan, oo ah khaladaadka micnaha beddelaya. Haddaba markaan ducaysano oo aan dhamayno ama qof uu dhammeeyo duco, waxan dhahaynaa laba midkood:

  1. Aamiin
  2. Amiin

Allah hanaga aqbalo ducooyinkeena dhammaantood. Aamiin.

Mahadsanid.

Maqaalkan miyuu ku caawiyay, Akhriste?
Ku noqo maqaallada