La Dagaallankii Dadkii Diinta ka noqday iyo Kuwii Sakada Diiday:
Doorashadii Abuu-bakar ka dib, muslimiinta waxaa ka hortimid arrin adag, taasoo ahayd, qabaa’illo badan oo ka baxay diinta Islaamka, geeridii Rasuulka (NNKH) kaddib, Qaar kalena, waxa ay diideen in ay bixiyaan sakadii, oo waxa ay ku andacoodeen in aan sako lagu laheyn mar haddii Rasuulkii (NNKH) uu dhintay. Dhammaan dadkaasi, Abuu-bakar si isku mid ah ayuu ula dagaallamay. Dagaallo qaraar kaddib, ciidanka muslimiinta Waxaa u suura gashay, in ay dib ugu soo celiyaan xukunka Islaamka dhammaan qabaa’ilkii iyo kooxihii isku dayay in ay Fallaagoobaan.
Furashooyinki Abuubakar:
Guulihii uu Abuubakar Al-Siddiiq (RC) ka soo hooyay dhulka Shaam waxay ahaayeen guulo waaweyn. Sannadkii 13-aad ee Hijriyada, wuxuu bilaabay duullaannadii furashada Islaamka ee u kala qaybsanaa laba dhinac oo kala ah:
Dhinaca bari: Hoggaamiyayaashii ugu caansanaa waxay ahaayeen Khaalid bin Al-Waliid iyo Al-Muthanna bin Xaaritha, waxayna gaareen guulo waaweyn.
Dhinaca galbeed: Waxay ku jirtay gacanta Roomaanku, markaas buu u diray Dimishiq ciidan uu hoggaaminayo Yaziid bin Abii Sufyaan - Allaha ka raalli noqdee - wuxuuna u diray ciidan uu hoggaaminayo Caamir bin Al-Caas Falastiin, ciidan kala ne waxa uu u diray Urdun oo uu hoggaan u ahaa Shurxabeel bin Xasna iyo ciidan Ximsa loo diray oo uu hoggaan u ahaa Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax - Allaha ka raalli noqdee - wuxuuna lahaa taliska guud ee ciidammada oo dhan, tiradooduna waxay gaartay 240 kun oo dagaalyahan.
Sababta loo diyaariyey ciidamanan waxay ahayd ka dib markii ay Roomaanku la dagaallameen ciidankii muslimiinta ee uu hoggaaminayey Khaalid oo ay ka adkaadeen. Si uu u qabsado inta kale ee Shaam. Shaam waxa ay ka mid aheyd meelaha ugu horreysay ee uu khaliifkii Abuubakar daneenayay Sababtoo ah waxaa ku xirnaa ganacsiga Carabta, oo Siciid bin Al-Caas, ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee u tegay Shaam.
Dhanka Ciidanka Labaad ee uu hoggaaminayay Shurxabiil bin Xasna, yoolkoodu wuxuu ahaa magaalada Busra (oo ku taal koonfurta Suuriya), waxayna mareen waddada dhex marta magaalada Macaan (Ma'an). Sidoo kale, ciidankii Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax oo ka yimid dhanka Waadi Al-Qura, hadafkoodu wuxuu ahaa magaalada Xims (Homs). Ciidankii kale ee u socday Falastiin isna wuxuu soo maray waddada xeebta ee Badda Red. Muslimiintu waxay ku guuleysteen dhammaan dagaalladaas ay ku fureen dhulka Shaam
Waxaa jira sababo badan oo qabsashadii xilligii Abuubakar, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:
Dhabba u xaaranaanta in la furo dacwada Islaamka, lana faafiyo iyada oo aan la hor istaagin ama helitaanka xorriyad si loo faafiyo caqiidada. Sidaas darteed, Faaris iyo Roomaankii oo kale, waxay ahayd lagama maarmaan in laga adkaado gardarradooda.
Isugeynta Qur'aanka:
Eebbe ayaa maskaxda Abuubakar ku soo riday in meel lagu kulmiyo Qur'aanka oo markii hore lagu qoray meela kala taksan sida jiridda geed timiraadka. Abuubakar ayaa u bandhigay Cumar, hasa ahaatee Cumar ayaa yir: ma sameyn karnaa wax uusan sameyn Nabiga (NNKH). Abuubakar ayaa ku celceliyay ilaa uu qaato Cumar. Kaddib waxa ay u bandhigeen Seyd Bin Saabit oo asagana ka muujiyay in aan lagu dhiira Karin wax nabiga uusan sameyn, laakin Ilaahey ayaa asna waafajiyay in uu ku qanco. Abuubakar ayaa u xilsaaray Sayd in uu arrintaas Qur'aan aruurinta ah qabto.
Sayd ayaa yiri: arinkaani waxa uu ka culusyahay in aan xanbaaro buuraha.
Sayd waa uu bilaabay waxa uuna sameystay shuruudo: In la helo laba markhaati oo ka maqashay Nabiga isla markaasna u qoran sida ay u sheegeen.
Sababaha keenay in la qabsado goobo yar xilligii Abuu Bakar Al-Siddiiq:
Waxaa jira sababo badan oo keenay qabsasha yaraanta xilligii Abuubakar, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:
Muddada khaliifnimadiisa oo gaabaneed. Waxay ahayd laba sano iyo saddex bilood. Wuxuu ku mashquulsanaa dagaalladii riddada.
Hadalada laga haayo Abuubakar
- Runta ugu runsan waa ammaanada, beenta ugu daranna waa khiyaanada.
- Madaxdiina waa sida aad u dhaqantiin, sida aad tihiin ayyee madaxdiinna noqonee. (Micnaha : dadka fiican waxa ay yeeshaan madax fiican, dadka xun ne waxa ay yeeshaan madax xun).
- Qofkii gala qabriga sahay la'aan waxa uu la mid yahay qof badda galay doon la'aan.
Geeridii Abuubakar Alla ha Ka Raalli Noqdee
Markii ay u buuxsantay da'da 63 oo aheyd da'dii uu ku geeriyooday Nebi Muxammad (NNKH) baa Rabbi ku oofsaday. Wuxuu khilaafadii uga tegay Cumar Binu Al Khadhaab, kaddib markii uu la tashtay saxaabo badan.
Haddii aadan soo akhrisan qeybta koowaad, fadlan ka akhriso linkigan hoose:
Back to Articles