Xaqiiqda Ka Dambaysa 'Follow Your Passion' iyo Casharkii Steve Jobs

A high-quality, conceptual 3D illustration of various colorful dots floating in space.

Dad badan ayaa maanta ku wareersan hal weedh, erey ama oraah: Raac waxa aad jeceshahay. Afka qalaadna lagu dhaho “Follow your passion” Weedh qurux badan ayay u egtahay.

Dhiirrigelin ayay leedahay, sax

Laakiin run ahaantii… dad badan ayay istaajisay ama ay daalisayba! Maxaa yeelay qofku wuxuu is weydiiyaa: “Haddii aanan weli helin waxa aan jeclahay, maxaan sameeyaa?” Halkaas ayay jahawareerku ka bilaabataaba Steve Jobs ninkan laftiisa bal aynu si daacad ah u eegno. (Waa qofka ka dambeeyay shirkadda apple-e, kaliya waxaan ka qaadanaynaa khibradahiisa nololeed.)

Ma uusan bilaabin isagoo leh: “Waxaan dhisayaa shirkad beddesha dunida!.”

Xitaa umba soo dhoweyn sidaas inuu dhaho Wuxuu ahaa wiil da’yar oo wax raadinaya. "Marna jaamacad gal, marna ka bax, marna safarro deggaanshiyo lagu raadinayo u bax, marna shaqooyin yaryar oo biilka looga raadiyo u xamaal."

  • Kombiyuutarradu maba ahayn riyo qalbgiisi ka timid.
  • Waxay ahaayeen uun fursad hortiisa timid.

Xiisaddu kama horreyso shaqada. Waxaa naloo sawiraa in dadka waaweyn guul dunidan ka gaarey ay ku dhasheen hal riyo oo cad. Laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha.

Steve Jobs ma uusan jeclaan teknoolajiyada bilowgiiba.
Wuu la kulmay… dabadeed wuu bartay… markaas ayuu xiiseeyay. Xiisaddu waxay ka dhalataa ku celcelin, tijaabin waxyaabo kala duwan, faham, iyo horumar aayar aayar ah.

Ma aha wax cirka kaa soo dhacaya. Haddaba haddii aad maanta leedahay: “Ma aqaan waxa aan jeclahay” Taasi dhibaato ma aha. Ee taasi waaba bilowgii.

Wax walba waxay ka bilaabmaan wax yar

Apple? Bilowgeedu ma ahayn wax la yaab leh. Waxay rabeen inay sameeyaan tiro yar oo looxyo ah.

LOOX: Afka qalaadna lagu dhaho Circuit Board, waa loox elektaroonig ah (inta badan midabkiisu cagaar yahay) oo isku xira qaybaha maskaxda ee kombuyuutarka. Bilowgii Apple, ma aysan iibin jirin kombuyuutar dhammaystiran, balse waxay iibin jireen looxyadan oo qaawan, kuwaas oo ahaa laf-dhabarta tignoolajiyada casriga ah ee maanta.

Faa’iidadooduna ma ahayn malaayiin— waxay ahayd wax yar oo macquul ah.

Shaqadoodii kale ma aysan joojin. Ma aysan ku dhawaaqin “startup weyn”. Waxay sameeyeen tijaabo. Kaliya si ay u arkaan: ma shaqaynaysaa?

Mararka qaar waxa ina joojiya ma aha karti la’aan— waa fikirka ah in wax walba ay noqdaan kuwo waaweyn bilowgiiba oo lala cajabo, CAJAB!

Fursaddu mar walba way ka duwan tahay sida aad u malaynayso

Steve Jobs ma uusan helin qorshe dhammeystiran. Wuxuu helay hal kulan. Nin dukaanka leh ayaa ku yiri: “Ma doonayo qayb. Waxaan doonayaa wax dhammeystiran.”

Halkaas ayuu Jobs go’aan ku gaarayba. Ma uusan oran “tan kuma jirto qorshaheena”. Wuxuu yiri: “Waan isku daynayaa.”

Ganacsiyo badan halkaas ayay ku dhashaan oo ay sabab u noqotaa iney ku dhashaan— ma aha qorshe dheer, ee waa go’aan degdeg ah oo fursad lagu qabtay.

Qof walba wax walba ma noqdo

Steve Jobs ma dhisi karin kombuutarka. Wozniak-na (waa saaxiibkiiyee) ma iibin karin.

Mid walba wuxuu lahaa meel uu ku liito iyo meel uu ku xooggan yahay. Oo Steve jobs wuxuu ku fiicnaa wax iibinta, halka saaxiibkii u uku fiicnaa wax samaynta. Taasi ceeb ma ahayn. Waxay noqotay awood iyo iskaashi.

Mararka qaar waxaan ku khasbanaanaa inaan is weydiino: “Anigu maxaan si dhab ah u keeni karaa oo aan awoodaa?” kadibna aan aqbalno ceebaheenna iyo halka aan daciifka ka nahay iyo inaan u baahannahay dad kale ama qof ina caawiya.

Wax kasta oo aad soo martay way shaqaynayaan

Steve Jobs waxyaabo badan ayuu soo maray oo aan xiriir muuqdaba lahayn: farshaxan, safarro, akhris aan la fahmin waqtigaas.

Laakiin dhammaantood dib dambe ayay isu yimaadeen. Noloshaadu haddii ay u muuqato mid kala yaacsan— taasi macnaheedu ma aha inay khasaarayso ama natiijo aysan keeneyn haba yaraatee. Mararka qaar waxaad dhisaysaa wax aanad wali arkinba.

Akhriste, haddaba gunaanadkii

Ha sugin maalinta aad tiraahdo: “Hadda waan hubaa, oo waan bilaabi karaa.” Bilow adigoo hubin. Wax badan isku day oo meelo kala duwan tijaabi, xiriiro waxtar sameyso oo laga yaabo inaad fursad ka helo karto

Xiisaddu way iman doontaa, Idanka Alle. Jihadu way kuu caddaan doontaa maalin uun. Guusha adduunku (tan Aakhiro ayaa ka weynee) ma aha sheeko si qurux badan oo nadiif ah loo soo tebiyo si loogu raaxaysto; ee waa safar qasan, qalad iyo saxna leh, oo marka dambe oo kaliya la fahmo nuxurkiisa. Haddaba, ha noqon qof si indho-la’aan ah u raaca waxa la yiri oo kaliya—ee dhex gal, baadhis samee, oo si dhab ah u eeg wixii la soo qabtay si aad cashar dhab ah uga barato.

Back to Articles