Haddii aad qof wadasheekaysanayseen oo wadahadal samaynayseen oo aad aragto oo aad jalleecdo inuuba xiisihii u hayay wadasheekaysiga uu yaraynayo ama uu ka caajisayo wadahadalka, waxaa jira saddex waxyaalood oo kaa caawin kara inaad xiisaha qofkaas soo celiso oo aad soo qabato:
- Qaabka Codkaaga (Auditory Engagement):
Waa sida aad codkaaga u isticmaasho. Haddii codkaagu uu yahay mid caajis leh oo aan is beddelayn ama aan xoogganeyn, yacnii aan yara nooloayn, qofka wuu xiiso beeli karaa. Waa muhiim inaad codkaaga si fiican u maamusho oo aad ka dhigto mid qofka aad caajiska kaga yarrayn karto,mararka qaar codkaaga sare u qaad, mararka qaar hoos u dhig, i.w.m,si uu wadahadalkiinnu u sii wanaagsanaado. - Jirka iyo Dhaqdhaqaaqaaga (Visual Engagement):
Tanina waa sida aad jirkaaga iyo wejigaaga u isticmaasho marka aad la hadlaysid qof. Haddii aad kaliya ku hadasho afkaaga, adigoon jirkaaga iyo wejigaagaba isticmaalin, qofku kuma xiisoobi doono, oo wuu yara caajisi karaa oo xiisaha ayuu yaraynayaa. Waa inaad isticmaasho dhaqdhaqaaqa jirkaaga iyo muuqaalo wejigaaga ah oo la jaanqaadaya hadalkaaga, yacnii, waa bedbeddelka wajigaaga, hadday tahay qososho, hadday tahay yaab, aad yaabto, i.w.m, si qofka uusan u dareemin caajis. - Waxyaabaha Aad Ka Hadleyso (Content):
Waa waxa aad ka hadleysid (nuxur). Haddii hadalkaaga uusan xiiso lahayn ama aan micno badan lahayn, qofku kuma sii dhegeysan doono. Isku day inaad ka hadasho waxyaabo xiiso leh ama mawduuc aad wada xiisaysaan labadiinaba, mararka qaar u leexi mawduuc cusub si wadahadalka u cusboonaado.
Si aad u ogaato saddexdaan,
is duub adigoo hadlaya qaddar 10 daqiiqo ah, kadibna eeg sida ay yihiin saddexdan waxyaabood: codkaaga, jirkaaga iyo waxa aad ka hadlaysid. Kadib waxaad ogaan doontaa meesha aad hagaajin karto, cilladaha halkay ka jiraan, ma codkaa, dhaqdhaqaaqa jirkaa, amase nuxurka ama mawduuca ka hadlaysid miyaa.
Inkastoo mawduuca aad ka hadlayso uu ku xirnaan karo qofka aad la sheekeysanayso, haddana waxa ugu muhiimsan waa qaabka codkaaga iyo dhaqdhaqaaqa jirkaaga. Haddii aad labadan si wanaagsan u hagaajiso, wadahadal kasta wuxuu noqon doonaa mid soo jiidasho leh oo xasuus mudan.
Marka xigta ee aad la sheekaysato qof, isku day talooyinkan oo arag sida isbeddelka yar uu u keeno farqi weyn, Insha’Allah
Back to articles