INTA AAD KU NOOLAANAYSO NOLOSHAN

Marxaladaha Nolosha Aadanaha

Noloshu intaad noolaanayso markaad eegto xilliyo ayaad soo maraysaa:

  1. Dhabarka Waalidka

    Waqti aad dhabarka aabahaa iyo hooyadaa ku jirtay

  2. Caloosha Hooyo

    Waqti aad caloosha hooyadaa ku jirtay

  3. Dunida Korkeeda

    Waqti aad dunida korkeeda saarnayd

  4. Qabri

    Waqti aad xabaal ku jirtay

  5. Ugu Dambeyntii

    Kadibna waad ka soo baxaysaa, waxaad ku dambaynaysaa JANNO ama NAAR

Noloshaas dhan marka la isku daro, Diinta Islaamka intey ka tartaa? Inta ugu qaalisan bay ka tartaa; hadday tahay noloshan aad ku nooshahay iyada ayaa tilmaamaysa inaad si toosan ugu noolaato, hadday tahay tan aakhirana iyada ayaa waxa ugu weyn oo ugu qaalisan keenta.

Waa hadal uu yiri Sheekh Mustafe Haaruun. Muhiimaddu waxay tahay in aan baranno cilmiga diinta, waayo dhan walba wuu inaga toosinayaa. Qaab nololeedkeennu iyada ayaa u samaysa waxtar iyo qiimo – tan adduun iyo tan aakhiroba, waayo waa middii ku habboonayd labada daaroodba.

Mohammed Adan

Photos: Vecteezy
Back to Articles