Dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo wax ka beddelay hannaankii waxbarasho ee dalka. Mid ka mid ah tallaabooyinkaas ugu waaweyn waxa ay ahayd qorista farta Af-Soomaaliga, si ummadda Soomaaliyeed u hesho kansho (fursad) ay afkooda hooyo wax ugu bartaan uguna qoraan.
Tallaabadan waxay noqotay furihii guusha waxbarashada Soomaaliyeed, waxayna kaalin weyn ka qaadatay kor u qaadista aqoonta dadweynaha.
Caqabadaha Kahor Qorista
Kahor qorista farta Soomaaliga, waxaa jirey caqabado waaweyn. Umadda Soomaaliyeed ma haysan hab qoraal mideysan oo ay ku cabbiraan fikirradooda ama ay wax ku bartaan.
- Dadku wax ma qori karin mana akhrin karin
- Waxbarashadu waxay ku koobnayd culimada diinta oo adeegsan jiray af-Carabi
- Iyo dadka u shaqaynayey gumeystaha oo uu baray afkiisa.
Xalinta:
- Dawladdii kacaanka waxay go'aansatay in la suurtageliyo qoraalka Af-Soomaaliga
- Waxaa la xilsaaray guddi khubaro ah oo arrintaas u gogol xaara
Habka Qoraalka
Guddigii la magacaabay waxay daraaseeyeen habab qoraal oo kala duwan, ugu dambeyntiina waxay talo ku soo jeediyeen in farta Soomaaliga lagu qoro xarfaha Laatiinka (Latin)
Maadaama ay fududahay, dhaqan ahaanna la jaanqaadi karta. Dhowaaqa xuruuftana waxaa lagu saleeyey dhawaaqa Carabiga si loo dhowro dhaxalka diineed iyo dhaqan ahaaneed, isla markaana la jaanqaadaysa codadka Af-Soomaaliga.
Gabagabadii
Qorista farta Soomaaliga waxay ahayd go'aan taariikhi ah oo dhaxalgal ahaa. Waxay xoojisay aqoonta, kor u qaaday wacyiga bulshada, waxayna abuurtay jiilal badan oo Soomaali ah oo maanta wax ku qora, waxna ku akhriya afkooda hooyo sida — aniga iyo adiga.
Waxaa waajib inoo wada ah inaan ilaashano fartaas iyo dhaxalkaas qiimaha leh.
Gunaanadkii
Qorista farta Af-Soomaaliga waxay ahayd guushii ugu weynaa ee umadda Soomaaliyeed gaartay abadaha tagay. Waxay noqotay furaha u furmay dhammaan albaabada aqoonta iyo horumarka.
Maanta, marka aad wax qorayso ama akhridayso Af-Soomaaliga, xusuuso guushan taariikhiga ah. Waxay tahay dhaxal qiimo leh oo aan ilaalino oo aan ku korinno jiilalka soo socda.
Mahadsanid.
Mohamed Adan