DUCO KU DHOW AQBALAADDA!

DUCO KU DHOW AQBALAADDA!

Ibnu Al-Qayyim (Alla ha u naxariistee) wuxuu kitaabkiisa Ad-Daa'u wa-d-Dawaa' ku sheegay tilmaamo cajiib ah oo qofka Muslimka ah u sahlaya inuu duco u jeediyo Rabbigiis si niyad-sami iyo aqbalaad leh.

9 Tilmaamood oo Ducooyinka Laga Aqbalo

Ibnu Al-Qayyim wuxuu ku bixiyay 9 tilmaamood oo muhiim ah oo qofka Muslimka ah ku dhaqmi kara si uu u duco u jeediyo Rabbigiis si loo aqbalo. Halkan waxay ku tahay tilmaamahan:

1

Qalbi jooga

inuu qalbigaaga uu xaadir yahay, oo aadna isugu keento awooddaada oo aad diiradda saarto kaliya baahidan aad doonayso. maaha adigoo eegaya moobeel ama Tv haddana ducaysanaya, ama meel kale aad ka fekerto.

2

Waqtiyada la aqbalo ducada

Sida inta u dhexeysa adaanka iyo aqinka, xilligia dambe ee habeenka ama saacadda ugu dambeysa ee Jimcaha.

3

Khushuuc iyo is jajabin

Inaad qalbiga hoosaysiiso, baahidaada dareento, oo aad u muujiso Allah daciifnimadaaga iyo u baahnaantaada.

4

Qiblada iyo Daahirnimada

Oo inaad u jeedsato dhinaca qiblada marka aad ducaysaneyso. Tan kale oo inaad nadiif tahay oo aad wayso qaadatay.

5

Mahad-naqa Alle iyo salliga Nabiga scw

Inaad ku bilaawdo ducadaada adigoo Allah ku mahadinaya oo amaanaya , oo aad dhammaadka ducadaadana aad ku ammaanayso ( kusallinayso) Nabiga scw.

6

Kor u qaaididda gacmaha

inaad gacmahaaga kor u qaaddo marka aad ducaysaneyso.

7

Istiqfaar iyo Tawbad

inaad ku bilowdo baahidaada Istiqfaar iyo Alle u noqod, oo aad ka dambi-dhaaf dalbato dambiyadaadii.

8

Rajayn iyo Cabsi

Inaad Alle u bariso si rajo iyo cabsi leh, adigoo ku baryaya magacyada Eebbe ee quruxda badan iyo sifooyinkiisa waaweyn,iyo kalinimadiisa { waxdaaniyah}.

9

Bixinta Sadaqo ka hor

Inaad sadaqo bixiso ka hor intaadan ducaysan,(haddii aad awooddo) waxay ka mid tahay sababaha ducada la aqbalo.

Haddaba;

Intan waa tilmaamaha aan ka soo qaatay Ibnu Al-Qayyim Alle ha u naxariistee, wuxuuna tilmaamay sida ku cad kitaabka { Addaa waddawaa} inay u dhowdahay inaan la soo celin.

Gunaanadkii

Tilmaamahan ee Ibnu Al-Qayyim waxay inoo tusayaan sida aynu u duco u jeedin lahayn Rabbiga si aqbalaad leh. Ducadu waa xidhiidh qofka iyo Eebbe, waxayna u baahan tahay in la sameeyo si niyad-sami iyo khushuuc leh.

Marka aad ducaysaneyso, xasuuso tilmaamahan, oo u yeedho Rabbiga si qalbi furan oo rajada iyo cabsi dhexdooda ah. Eebbe wuxuu ku jiroaah dadka ku baryaya marka ay u yeedhaan.

Mahadsanid.
Mohammed Adan

Back to Articles