Oraah Salafi ah oo Qiimo Badan

Culimada Salafka

Hadalkan waa mid aad muhiim u ah, asalna leh, wuxuuna ka mid yahay oraahihii ay ka tageen culimadii salafka – gaar ahaan waxaa laga weriyey Imaam Maxamed ibn Siiriin (rahimahullaah). Hadalka oo dhameystiran waa:


إن هذا العلم دين، فانظروا عمن تأخذون دينكم
"Cilmigan waa diin, ee fiiriya qofka aad ka qaadanaysaan diintiinna."

Sharaxaada Oraahda

Oraahdan waa mid muhiim u ah qofka Muslimka ah, maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa sida uu ugu dhisi lahaa fahamkiisa diiniga ah iyo sida uu u hubin lahaa cidda uu cilmiga ka qaadanayo.

"Cilmigan waa diin"

Culimada salafku waxay si weyn u fahmeen in cilmi kasta oo shareeco ah (Qur'aan, Xadiis, Fiqhi, Aqeeda) uu yahay qayb ka mid ah diinteenna Islaamka.

"Ee fiiriya qofka aad ka qaadanaysaan diintiinna"

Waxaa loola jeedaa in aan si sahlan cilmi-diineed looga qaadan qof kasta. Waxaa muhiim ah in la hubsado aqoontiiisa, manhajkiisa iyo akhlaaqdiisa.

Sideed ku hubin kartaa?

  1. Aqoontiisa: Waa inuu leeyahay faham suuban oo sax ah, kuna dhisan kitaabka iyo sunnada
  2. Manhajkiisa: Waa inuu raacsan yahay fahamkii saxda ahaa ee asxaabta iyo salafka suubban
  3. Akhlaaqdiisa: Si aan loogu sirmin dadka bidcada leh ama kuwa xaqa ku qariyay aragtiyo xun

Waa maxay ujeedka hadalkaan ay dheheen salafkii?

Salafku waxay ina barayaan in cilmiga diintu yahay amaano Rabbaani ah, lagamana qaato qof kasta. Waa in si feejignaan leh loo doorto culimada lagu dayanayo, laga qaadanayo cilmiga, si loo ilaaliyo toosnaanta diinta iyo badbaadada nafta. Waqtigeenna maanta wuxuu yahay waqti fitno badan, dadka badankiisuna aysan ku sugnayn cilmiga saxda ah, sidaas darteed, waa in qofka Muslimka ah uu aad uga taxaddaraa cidda uu cilmiga ka qaadanayo, una dadaalaa sidii uu u heli lahaa sunnada saxda ah."

Tusaale

markaad dhakhtar kala tashanayso caafimaadkaaaga ama hantidaada qof u dhiibanayso waad ka fiirsataa oo kuma degdegto waxaa ka sii muhiimsan inaan si xulasho leh u eegno dadka aan ka qaadanayno cilmiga, maadaama ay khuseyso aakhiro iyo badbaadada nafta.

Gunaanadkii

Oraahda Imaam Maxamed ibn Siiriin waxay inaga digtaa inaanaan si sahlan uga qaadan cilmiga diiniga ah qof kasta. Waa inaan hubisnaa in culimada aan ka dayanayno ay yihiin kuwo aqoon suuban leh, manhaj toosan, iyo akhlaaq wanaagsan.

Diinteena waa amaan aad u qiimo leh, waxayna u baahan tahay in la ilaaliyo bidcada iyo fikradaha khaldan. Sidaa darteed, marka aad rabto inaad wax diin ah baratid, ha degdegto, ee hubso cidda aad cilmiga ka qaadanayso.

Mahadsanid.
REYS AQOON

Back to Articles