Inta Boqolkiiba ee Maskaxdaadu Ku Haysan Karto Macluumaadka Aad Baratay

Inta Boqolkiiba ee Maskaxda

Ogow: Dadku si kala duwan bay wax u bartaan, balse waxaa jira habab cilmiyaysan oo maskaxdu si fiican ugu xafido macluumaadka. Qoraalkan waxaad ku ogaan doontaa 7 hab oo kala duwan oo kaa caawinaya inaad si wanaagsan u xafido wax kasta oo aad barato..

7 Hab oo Xafidashada Maskaxda Lagu Xoojin Karo

Cilmi-nafsigu wuxuu soo saaray waxa loo yaqaan "Learning Pyramid" oo ku caddaynayo sida qofku u xafido wax kasta oo uu barto. Halkan waxaa ku jira 7 hab oo kala duwan oo xafidashada maskaxda ku saabsan:

5%

Dhageysiga

Heerka ugu hooseeya

Markaad dhagaysato cod ama cashar kaliya, maskaxdu waxay xafiddaa qiyaastii 5% macluumaadka la sheegay. Waa habka ugu liita marka loo eego heerka xafdinta.

10%

Akhrinta

Habka 2aad

Markaad wax akhrido sida buug ama maqaal, waxaad xasuusan kartaa qiyaastii 10% macluumaadkaas. In kasta oo akhrintu muhiim tahay, haddana looma fiirsado si qoto dheer haddii aan si firfircoon loo falanqayn.

30%

Bandhig Muuqaal

Habka 3aad

Markaad aragto sawirro, muuqaal, ama bandhigyo, waxaad xafidi kartaa ilaa 30%. Sawirku wuu ka saameyn badan yahay qoraalka kaliya.

50%

Ka Qeybgalka

Habka 4aad

Markaad si firfircoon uga qaybqaadato waxbarashada — tusaale ahaan, adigoo ka doodaya casharka ama weydiinaya su'aalo ku saabsan macluumaadka — waxaad xasuusan kartaa ilaa 50% waxa aad baraneyso. Waa sababtoo ah marka aad fikirka geliso, maskaxdaadu si fiican ayey u shaqaysaa oo waxay si wanaagsan u kaydisaa xogta.

60%

Wada Xaajoodka

Habka 5aad

Markaad la sheekaysato qof kale adigoo ka hadlaya waxa aad baratay, waxaad xafidi kartaa ilaa 60% macluumaadka. Wadahadalka ayaa maskaxda ku abuura xiriirro cusub oo xoojiya xasuusta.

70%

Ku Dhaqanka

Habka 6aad

Markaad si dhab ah ugu dhaqanto waxa aad baratay, sida ku celcelinta ficil ahaan, waxaad xafidi kartaa qiyaastii 70%. Tusaale Haddii aad baranayso luqad cusub, ma aha kaliya inaad ereyo iyo xeerar (grammar) akhrido ama aad xifdiso. Laakiin markaad ku hadasho, qorto, ama dhegeysato luqaddaas, si fiican ayaad u xafidi oo u fahmi.

90%

Baridda Dadka Kale

Habka ugu sarreeya

Tani waa habka ugu sarreeya. Marka aad dadka kale wax barayso, waxaad xafidi kartaa ilaa 90% macluumaadka. Baridda waxay kugu khasabtaa inaad faham buuxa yeelato.

Waxyaabaha Aad Ka Qaadan Kartid

  • Bar dadka kale: Markaad wax dadka kale u sharaxdo, si fiican ayaad u fahmaysaa adigana. Waa habka ugu waxtarka badan ee lagu xafido laguna xoojin karo fahamka.
  • Ka qeyb gal: Ha ku ekaan akhris iyo dhageysi kaliya; weydiinta su'aalooyin, ka doodidda, iyo la falgalka dadka kale,fahamkaagu aad buu ugu qoto dheeraanayaa.
  • Iskaashiga: Waxbarashada kelinimo haku noqon. La farihiisiga asxaabtaada, wada akhrita, iyo is-weydiinta su'aalo dhexdina,muhiim weeyaan. Marka aad aragto fikrado kala duwan, fahamkaaga wuu kobcayaa, waana kuu muhiim.

Gunaanadkii

Marka aad rabto inaad si fiican u xafido waxa aad baratay, ha ku ekaan dhageysi iyo akhris kaliya. U dhaqso ku dhaqanka, la wada hadal, oo ugu danbeynta, bar dadka kale.

Hababka kala duwan ee barashadu waxay ku xoogeynayaan xiriirka maskaxdaada iyo macluumaadka aad baranayso. Marka aad wax baratid, isku day inaad isticmaasho ugu yaraan labo ama saddex hab oo kala duwan si aad u xafido ilaa 70-90% waxa aad baratay.

Mahadsanid.
Mohamed Adan

Back to Articles