Kala tagga xiriir jacayl ama shucuureed runtii ma aha arrin sahlan.
Waa go’aan taabanaya qalbiga, maskaxda, iyo mustaqbal labadaba.
Kasma-nafeddu (cilmi nafsiga) wuxuu caddeynayaa in
sida aad u kala tagteen ay ka saameyn weyn tahay sababta aad u kala tagteen.
Qoraalkan wuxuu sharxayaa tallaabooyin cilmi ku dhisan oo kaa caawinaya
inaad xiriir uga baxdo si caqli leh, adigoo ilaalinaya sharaftaada
iyo tan qofka kaleba.
Ka Hor Wadahadalka Kala Tagga
Intaanan kala tagin oo aadan billaabin wadahadalka, samee ; Isku noqod daacadnimo ku dhisan
- Muxuu xiriirku u shaqayn waayay?
- Ma arrin ku meel gaar ah baa mise waa dhibaato sal leh?
- Ma hubaa in go’aankeygu yahay mid kama dambeys ah oo dhab ah?
Cilmiga nafsigu wuxuu tilmaamaa in go’aan aan si qoto dheer looga fiirsan uu keeni karo shaki, qoomamo, iyo dib-u-laabasho xanuun badan, marka haku dagdagin.
Xulo Waqti iyo Meel Ku Habboonba
Dooro meel deggan, gaar ah, oo aan dad kale joogin.
Ka fogow meel dadweyne ama waqti xanaaq iyo daal uu jiro,
waa in la sameeyaa Wadahadalka adigoo deggan.
Tani waxay muujinaysaa mas’uuliyad iyo ixtiraamba.
Waa caadi inaad la hadasho saaxiib ama qof aad ku kalsoon tahay, si aad arrintan u falan qeyso.
2. Inta Lagu Jiro Wadahadalka
Ku Bilow Qaddarin
Xitaa haddii xiriirku uu dhammaaday, wax wanaagsan ayaa jiray.
“Waxaan qadarinayaa waqtigii aan wada qaadanay iyo waxyaabihii aan wada barannay.”
Ama mid kale adiga dhankaaga ah, muhiimadda waa inaadan tirtirin wanaagaydii hore aad soo wada marteen. Tani waxay dejin kartaa jawiga, waxayna yareysaa dhaawaca shucuureed.
Run Sheegid Naxariis ku laran
Si cad u sheeg in xiriirku dhammaanayo, adigoo adeegsanaya “Aniga” (I-statements):
- “Waxaan dareemayaa inaan kala fognahay”
- “Waxaan ogaaday inaanan sii wadi karin xiriirkan”
Tani waxay ka hortagtaa eedeyn iyo is qab-qabsi.
Noqo Mid Go’aan Leh
Ha u oggolaan in wadahadalku noqdo dood ama gorgortan.
Dhageyso Dareenkiisa ama dareenkeeda; U oggolow qofka kale inuu hadlo, murugoodo, ama xanaaqo. Dhageysigu waa qeyb ka mid ah xiritaanka (closure).
Ha Bixin Rajjo Been ah
Rajjo been ah waxay lamid tahay dhaawac dheer, marka ka fogoow arrintaas.
3. Ka Dib Kala Tagga
Sameyso Xuduudo Cad cad
Yaree ama jooji xiriirka gabi ahaanba,
kana fogow la socodka joogtada ah (wicitaanka, Wadahadal, baraha bulshada, i.w.m).
Cilmi ahaan, maskaxdu waxay u baahan tahay kala go’ si ay u bogsato.
Ogolow Murugada
Murugadu waa dabiici, marnaba ha diidin oo ha is caburin.
Haku Degdegin Xiriir Kale
Kalinnimada ayaa ah mararka qaar daawo.
Gunaanadkii
Inaad xiriir uga baxdo si caqli leh ma aha daciifnimo dhabtii, ee waa biseyl maskaxeed.
Qofka aad maanta si fiican uga tagto, berri markaad xasuusato ma ka xumaan doontid. Sidaas darteed, markaad baxeyso, si edeb leh u bax— naftaada haka xishoodsiin mustaqbalka, qofkana ha dhaawicin.