Muhiimadda Toosinta Safka Salaadda

Muslimiin saf toosan ku tukanaya salaadda jamaacada

Bal qiyaas

Waxaad taagan tahay safka salaadda. Qof ayaa horay u baxsan. Mid kalena gadaal ayuuba uga dhacay. Safkii maba toosna.

    SU'AAL

  • Ma u aragtaa arrin yar?
  • Mise wax saamayn ku leh salaaddaada?

Diinteena Islaamka arrintan si fudud uma aragto.


1. Toosinta safku waa amar Nabawi ah

Nabigeenna ﷺ marar badan ayuu si cad ugu adkeeyay in safafka la toosiyo, wuxuuna yiri:

«سَوُّوا صُفُوفَكُمْ، فَإِنَّ تَسْوِيَةَ الصُّفُوفِ مِنْ تَمَامِ الصَّلَاةِ»


“Toosiya safafkiinna, waayo toosinta safku waa dhamaystirka salaadda.”
(Bukhaari & Muslim)

Xadiithkani wuxuu inoo sheegayaa in toosinta safku aysan ahayn qurxin kaliya, balse ay qayb ka tahayba dhammaystirka salaadda lafteedaba. Salaad safafkeedu qalloocan yahay waxay halis u tahay inay ka dhinnaato ajarka iyo dhammeystirkaba.

Haddaba is weydii:
Haddii safku yahay dhamaystirka salaadda, sidee loo dhihi karaa waa wax yar?


2. Safka qalloocan wuxuu sababayaa kala fogaanshiyo qalbiyeed

Nabigu ﷺ wuxuu si digniin leh u yiri:

«لَتُسَوُّنَّ صُفُوفَكُمْ أَوْ لَيُخَالِفَنَّ اللَّهُ بَيْنَ وُجُوهِكُمْ»

رواه البخاري


"Ama waad toosin doontaan safafkiinna, ama Allaah wuu kala duwi doonaa wajiyadiinna (quluubtiinna)."

Sahih al-Bukhari

Culimada waxay sharxeen in “wajiyada” halkan looga jeedo quluubta.

MACNAHA

  • Kala shaki
  • Kala fogaansho
  • Kala qaybsanaan

Sidaas awgeed, safka salaadda wuxuu noqdaa muraayad ka tarjumaysa xaaladda quluubta.


3. Saf toosan wuxuu la mid yahay midnimo iyo sinnaanshiyo

Salaaddu waa goobta keliya ee uu taajirku la istaago saboolka, hoggaamiyuhu la barbar istaago shaqaalaha, qof qabiil ama midab kasta lehna uu la siman yahay kan kale. Toosinta safku waxay astaan u tahay:

  • Sinnaan
  • Midnimo
  • Kala dambayn
  • Adeecidda amarka Alle iyo Rasuulkiisaba ﷺ

«اسْتَوُوا، وَلَا تَخْتَلِفُوا فَتَخْتَلِفَ قُلُوبُكُمْ»


“Toosa, hana is khilaafina, si aysan quluubtiinnu isku khilaafin.”
(Muslim)

Halkan waxa si cad uga muuqata in toosinta safku uu yahay furaha mideeya quluubta, halka dayacaaduna ay horseedi karto kala qaybsanaan qalbiyeed.


4. Dayaca safka waa dayaca sunnada

Nabiga ﷺ ma uusan ku ekaan amarka afka ah oo keliya, balse xilliga salaadda wuu hubin jiray safafka, xataa mararka qaar wuxuu taaban jirayba garbaha asxaabta si uu u toosiyo. Tani waxay muujinaysaa in arrintani tahay sunno la adkeeyey, isla markaana mudan in si dhab ah loo ilaaliyo.


Gunaanad

Haddaba akhristaha sharafta leh, safka salaadda:

  • Waa astaan midnimo
  • Waa shardi dhamaystirka salaadda
  • Waa amar Rasuul ﷺ
  • Waa sabab lagu ilaaliyo quluubta

Sidaa darteed, yeynaan u arkin toosinta safka “wax yar” ama arrin lagu caajiso, ee aynu u qaadanno cibaado iyo adeecid Alle lagu kasbanayo. Haddii aad aragto saf qalloocan, si xikmad leh u toosi, una waani walaalahaaga.

Allaah ha inaga dhigo kuwo safkooda toosiya, quluubtoodana mideeya.

وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

Back to Articles