MALWARE IYO VIRUS – WAA MAXAY?

Malware iyo Virus

Malware iyo virus waa barnaamijyo waxyeelo leh oo gali kara telefoonkaaga ama kombiyuutarkaaga. Waxay sababi karaan:

  • Xog lumis
  • Qalab kuu shaqayn la'
  • Xog lagaa xado
  • kharash kaaga baxa adeegyo aanad ogayn,qofka istecmaalaya aadan ka warqabin.

Haddaba sidee la is kaga ilaaliyaa?

Talooyinkan waa kuwa ugu muhiimsan ee aad raaci karto si aad u ilaaliso qalabkaaga, Alle idamkii:

  1. Ha soo degsan barnaamijyo ama application-o aan la aqoon –Ku kalsoonow oo wax ka soo degso oo keliya app-ka Google Play ama App Store( IPhone), haddii baahi weyn aanay jirin
  2. Ha galin website aan la garanayn –Websaytyada qaar waxay ku qarin ama raacin karaan dhexdiisa fayras, oo waxyeello u gaysan kara moobeelkaaga haddii aad dhex gasho website-kaas.
  3. Sameeyso fure sir ah (password) oo waqti ka waqti beddel, haddii loo baahdo.Tani waxay ilaalin kartaa xogtaada.
  4. Iska demi Bluetooth, Wi-Fi, ama NFC marka aadan isticmaalaynin, tani waxay ka hortagtaa in mobelkakaagu furfurnaan u badnaado oo si sahal ah lagu soo galo.
  5. Haddii telefoonku si aan caadi ahayn u dhaqmo, is damiyo marn is daaro,i.w.m, ku shaqaysii antivirus – yacnii ku istecmaal oo daaro. Waxaa laga yaabaa inuu virus qabee.
  6. Ka hor intaadan furin barnaamij cusub ama app cusub oo aad soo dejisay, ka baar antivirus oo iska hubi. Tani waxay kaa ilaalinaysaa inaad ku furto fayras waxyeellayn kara moobeelkaaga, application-o ayaa jira oo taas kuu oggolaanaya inay kuu baaraan app-ka.
  7. Kombiyuutar haddii aad leedahay ku rakib oo ku deji antivirus oo mararka qaarna ku shaqaysii –Xitaa haddii qalabku yahay kombiyuutar, khatar ayuu ku jiri karaa oo kuma eka kaliya moobeelka

Waxaa jira noocyo malware ah oo halis ah, waa kuwaan:

Spyware

Xogtaada ayuu si qarsoodi ah ayuu u ururiyaa kani

Khatar sare leh

Ransomware

Xogtaada ayuu kaa xiraa ilaa aad bixiso lacag, kadibna uu kuu soo fasaxaa markaad bixiso lacagta.

Lacag la'aan

Trojan

Waxay iska dhigtaa barnaamij fiican oo dan kuu wadda balse waxyeello leh oo fayras wadda

Qarsoon

Gunaanadkii

Malware iyo virus waa khatar weyn oo qalabkaaga ku imaan kara. Laakiin adiga oo raacaya talooyinka amniga, waxaad si fudud u ilaalin kartaa telefoonkaaga, kombiyuutarkaaga, iyo xogtaada.

Xasuuso: Ha soo dejisin barnaamijyo aan la aqoon, ha galin websites aan la garanayn, sameeyso password adag, oo isticmaal antivirus joogto ah. Talooyinkan ayaa kaa ilaalinaya badan oo khatar ah.

Amnigu waa waajib qof kasta oo isticmaala teknolojiyada casriga ah. Ilaali qalabkaaga si aadan u lumisin xogtaada ama lacagtaada.

Mahadsanid.
Mohamed Adan

Back to Articles