️ Xisaabi Waqtiga Xifdintaada Ee Qur'aanka
Ma dooneysaa inaad ogaato muddada ay kugu qaadan karto xifdinta Qur'aanka Kariimka ah? boggan wuxuu kuu oggaalanayaa inaad si sahlan oo cad ugu xisaabin karto muaddada aadna ku ogaan karto inta maalin, bil amaba sanad aad ku dhammayn karto qur'aanka kariimka
Samee intaan si aad u ogaato mudadada;
- Ku saley muddadaada oo ku qor sanduuqa tirada aayadaha ama bogagga aad maalintii xifdiso
- Dooro heerka dadaalkaaga (5 aayad, dhowr bog, ama wax u dhexeeya)
- Xisaabi muddada dhammaystirka oo taabo xisaaabi muddada, ogow tani waa xisaabta guud ee caanka ah 6,236 aayadood ama 604 oo bog
Marka aad ogaatid inta aad maalintii qaadan karto, waxaad si fudud u arki kartaa muddada ay kugu qaadan karto amaba muddada kuu hartay — Alle idamkii.
Haddaba qiyaas Muddada Xifdintaada ee Qur'aanka
Geli tirada aayadaha ama boggaga aad xifdinayso maalintii, sanduuqyada hortaada ah
Waqtiga aad ku dhammayn karto:
Tani waxay ku xiran tahay oo laguu xisaabiyay waa inaad si joogto aad ku xifdinayso, maaha inaad kala goynayso.
XISAABTAADA
Markaad galisay tiradaada kuu gaarka ah waxaa kuu soo baxay tiro, tiradaas waxay ku xiran tahay maalin kasta, waana tiro sax ah marka la eego xisaabinta guud ee caanka ah kitaabka quraanka oo ah 6,236 oo aayad iyo 604 oo bog ah,Waxa ay ku xiran tahay:
- Heerka dadaalkaaga
- Inaad joogtaynayso
- Iyo inta aayadood ama bog ee aad xifidi karto maalin kasta.
Marka laga hadlo xifdinta Qur'aanka, wax walba waxay ku xirnaanayaan niyadda, dulqaadka iyo joogteynta.
Aan ku soo xasuusiyee hadalkii Nabiga NNKH
Qofkii akhriya hal xaraf (hal xarf oo kaliya) oo ka mid ah Kitaabka Alle (Qur'aanka Kariimka ah)wuxuu helayaa hal ajar (hal xasanaad),Ajarkaas (xasanaddaasi) waxaa laga badiyaa 10 laab — taasoo ka dhigan in hal xasanaad uu noqonayo 10, ma oranayo alif laamiin baa xaraf ah, laakiin, alifku waa xaraf, laamku waa xaraf, miimkuna waa xaraf.
Sunan at-Tirmidi, 2910
Sidaas darteed, qofkii akhriya (ألم) wuxuu helayaa 3 xasanaad, mid kasta oo la badiyay 10, taasoo laga dhigay 30 xasanaad.
Cajiib, bal kaarran hal aayad, hal bog
ama hal suurad ama ka badan, waa gallad xagga Alle inoogu timid.
Alxamdulilah.
Hagaag, kuwaan waa tilmaamo kaa caawin kara Xifdinta.
Waqti Go'an
Qorshaha waqti go'an oo aad maalin kasta ku xifdiso – sida subaxdii ama galabtii. waa mid wanaagsan, waxaa lagaa rabaa go'aan adag
Celcelis/ naqtin
Ku celcelinta aayadahii aad hore u xifdisay waa hab maskaxdu u xajisan karto u hayn karto qur'aanka. ku noqnoqadka waxay dhistaa xasuus adag.
Ku akhrinta Codkaaga
Marka aad akhrinayso, ku dhawaaqista si is maqashiin ah oo is maqashiiso codkaaga, waxay kaa caawinaysaa in aad maqasho qaladkaaga aadna xoojiso xifdinta.
Duco
Markasta ka billaaw ducada. Weydiiso Alle inuu kuu fududeeyo fahamka, xifdinta, iyo barakada cilmiga, Qur'aanka, waa nuuree, intaba issagaa hayee.
Mahadsanid